𝐎𝐥𝐨𝐥𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 (𝐂𝐚𝐦𝐩𝐚𝐢𝐠𝐧) 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐬𝐨𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐞𝐞𝐧 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐀𝐬𝐬𝐨𝐜𝐢𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐮𝐧𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐭𝐞𝐞𝐧 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐧𝐨𝐨𝐥 𝐉𝐚𝐳𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐨𝐨𝐲𝐚𝐦𝐞 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨

Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed ayaa uga mahadnaqayaa kuna amaanaya Ururuka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA) shaqada ay qabten oo ah olale cafimaad (campaign) una qabteen bulshada ku nool jaziirada kooyame oo ka mid ah jaziiradaha hoostaga magalada kismayo, jaziiradaas oo ay ku nool yihiin dad danyar ah oo aan helin adeegyo caafimad. U jeedka Ururka dhakhatirta ayaa ahaa si ay u taageeri lahayeen caafimaadka bulshada ku nool deegaankaasi oo ka fog xarumaha caafimaad.

Dhakhatirta ayaa qaabilay in ka badan 150 qof oo isugu jiro caruur, haween iyo dad waa weyn, oo la bukay xanuuna kala duwan iyagoo u sameeyay latalin caafimaad iyo daaweyn bilaash ah.

Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale ka sameeyey deegaanka wacyi galin, iyo ukuurgalid xaalada caafimad ee deegaanka, iyagoo bulshada faray sida looga hortagi karo cudurrada faafa ee ku gudba naadaafad darada iyo muhiimadda ay leedahay nadaafadda.

Mashruucan wuxuu qayb ka yahay dadaallada ururka ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka meelaha fogfog, iyadoo la xoojinayo taageerada bulshada nugul ee ku dhaqan Jubaland.

Add a Comment