
𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐟𝐚𝐫𝐚𝐱𝐬𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐢𝐝𝐢𝐧𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐨 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐮 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐦𝐚𝐲𝐨 𝐗𝐮𝐛𝐢𝐧𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐞𝐞𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡 (𝐀𝐒𝐂𝐌) 𝐞𝐞 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 (𝐖𝐌𝐀) 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟔, 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐭𝐞𝐫𝐫𝐚𝐧𝐞𝐚𝐧 (𝐄𝐌𝐑𝐎)
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu ku faraxsan yahay inuu idinla wadaago inuu u tartamayo Xubinnimada Guddiga Joogtada ah ee Dheeraadka ah (ASCM) ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WMA) muddo xileedka 2025-2026, gaar ahaan Gobolka Bariga Mediterranean (EMRO).
Macluumaadka Doorashada:
• Musharaxiinta: Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed & Ururka Dhakhaatiirta Pakistan.
• Habka Cod-bixinta: Doorashadu waxay ku dhici doontaa cod-bixin electronic ah.
• Mudada ugu dambeysa: 5 Febraayo 2025, saacadda 12:00 AM (UTC).
• Ururrada Codeynaya: Kuwayt, Pakistan, iyo Soomaaliya.
Maadaama tartanka uu dhex marayo Somali Medical Association iyo Pakistan Medical Association oo labada ah Active registered WMA members, waxaan idinla wadaageynaa linkiga cod-bixinta iyo tilmaamaha buuxinta. Cod-bixinta waxaa xaq u leh 900 qof oo ururka ugu diwaangalsan WMA.
Codkaaga waa muhiim! Taageeradaada waxay muhiim u tahay sidii Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed uu kaalin weyn uga qaadan lahaa doorkan muhiimka ah.

