
𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐒𝐌𝐀 & 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚
Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Hon Hussein Gessey, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed. Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo horumarin lahaa baahiyaha caafimaadka dalka, oo ay ka mid yihiin cilmi baarista caafimaadka iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya machadka iyo Bahda Caafimaadka si loo helo xalal waara oo wax ka qabta caqabadaha caafimaad ee jira.
Dr. Hussein ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo cilmi baaris joogto ah si loo ogaado baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sameeyo qorshe hawleedyo ku saabsan tababarada dhaqatiirta iyo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka.
Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa muujiyay diyaar garowga ay u leeyihiin sidii looga shaqayan lahaa in la gaadho himilooyinka caafimaadka ee dalka.



