Kaqeybgal Bandhig Cilmi Baariseed & Talo Wadaag ku Saabsan SIMAD Institute for Global Health (SIGHt)

Gudomiyaha ururka dhaqaatiirta Somaaliyeed Dr Lul, Gudomiye ku xigeenka Dr Asad, Madaxa Cilmi baarista iyo CME Dr Mohamed Ibrahim iyo madaxa xiriirka caalamiga ah Dr Khadra ayaa ka qeyb bandhig Cilmi baariseed iyo talo wadaag ku saabsan SIMAD Institute for Global Health (SIGHt)

Shirka waxaa kasoo qeyb galay uqeybsaha arimaha caafimaad ka ee xafiiska raisul wasaaraha, madaxda ururka Dhaqxal reeb ee uu hogaaminayay wasiir hore Professor Abdi Bafo, Gudomiyaha Ururka Caafimaadka Bulshada (Somali Public Health Association), Gudomiyaha Ururka Cilmibaarayaasha, dhaqaatiir, cilmibaarayaal iyo ururada bulshada.

Kulanka waxaa looga arinsaday muhiimada ay leedahay in la help ajande mideysan oo Dhamaan laga wada qeyb qaato oo ay yeelato cilmi baarista la xiriirta caafimaadka iyo qeybta ay ka qaadan karaan ururada bulshada sida ururka dhaqaatiirta.

Add a Comment