
𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐓𝐈𝐈𝐑𝐀𝐀𝐍𝐘𝐎 𝐋𝐄𝐇
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelka, asxaabta, iyo guud ahaan bahda caafimaadka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC), sidoo kalena wuxuu hore u soo noqday Guddoomiyihii Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed.
𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 wuxuu door muhiim ah ka qaatay horumarinta caafimaadka dalka, isaga oo si hagar la’aan ah ugu soo adeegay bulshada Soomaaliyeed.
Meydka marxuumka ayaa haatan yaalla Isbitaalka Madina, waxaana berito duhurki lagu tukan doonaa salaadda Janaasada.
Waxaan Alle uga baryeynaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin